Madaxweynaha Jubbaland oo maanta Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah oo ay iska kaashanayaan dhismaheeda Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, kaas oo dhererkeedu yahay 4.5 KM.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa umahad celiyay Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka iyo dhinacyadii kale ee kasoo shaqeeyay hirgelinta mashariicdan.

Wasiir Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa sheegey in horumar la taaban karo laga gaaray dhismaha waddooyinka Kismaayo iyadoo wejiga labaad uu maanta billowday, wuxuuna reer Jubbaland u rajeeyay in ay ka faa’ideysan doonaan.