Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dambi ku weysay mas’uuliyiin ku eedeysnaa musuq maasuq

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan mas’uul ee maanta dembiga lagu waayay ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha WasaaraddaShaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.