Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb geli doona shir madaxeed ka dhacaya magaalada Seoul ee dalkaasi, kaasoo u dhexeeya Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, shirkaa oo lagu wado in uu qabsoomaya 4 – 5 Juun.