Digniinta Duufaanta Laly oo soo kordhaysa (WARBIXIN)

Inkastoo hadda la gudagalayo xilliga Xagaagga oo ay kacaan dabeylaha Maansoorka ee  dhinaca Xeebaha ah, islamarkaana la galayo Bad-xiranka oo ka bilaabanaya dhammaadka bisha juun ilaa bartamaha bisha Septamber oo looga digo Kalluumeysatada iyo Doomaha inay xilligaasi maraan Badda, taasi oo khatar ku ah, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa inay ku lammaanan tahay Dabeyl kale oo la magac baxday Duufaanta Laly oo ku soconeysa Xawaare aad iyo aad u dheereeysa.

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayeey uga digtay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Degaanada Xeebaha in Duufaanta Laly oo xawligeeda ku socota 75-100km/saacaddii ay ku soo wajahan tahay xeebaha Dalka, taasoo laga cabsi qabo iney dhibaato ka dhashaan…

Qoraalka ayaa looga digay Shacbiga Doomaha Ganacsiga iyo Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku nool Xeebaha Gobolada Benaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubada hoose iney taxadir dheeraad ah muujiyaan, iyadoo Duufaantani ay xowli ku socoto, waxaana laga csbsi qabaa waxeyna Hey’addu sheegtay iney geysato burbur hantiyeed.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay Dufaaanno culus oo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆. Duufaantan ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan tahay magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe, waxanay bulshada uga digtay in ay taxaddaraan.

Laga soo bilaabo Usbuukii la soo dhaafay waxaa bilowday curashada dabeysha Laly “Torobikaalka” duufaantan ayaa ku bilabatay Xawaare hooseeya, iyadoo marba mark aka dambeysa soo xoogeysaneysay intii u dhaxeysay 16-kii ilaa iyo 19-kii bishan May, waxaynba ku soo socotay xawaare aad u sarreeya oo u dhaxeeya 75 ilaa 100 KM saacaddiiba, iyada oo jihooyin kala duwan u leexleexaneysa.

Duufaantan ayaa loo yaqaanaa {Trobical Cyclone}, waxayna ka imaaneysaa Jihada Koonfureed ee Badweynta Hindiya ee Xeebaha magaalooyinka dhaca Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Banaadir. Duufaantan ayaa marba marka dambeysa sii xoogeysaneysa, waxaana hadda lagu soo waramayaa in ay kor u dhafeysa xawaraheeda 90 ilaa 110 KM saacaddiiba ayaa ku wajahan koonfurta Dalka Soomaaliya, waxayna ku socotaa dhinaca Xeebaha magaalooyinka ku yaal, kuwaasi oo kala ah Badhaadhe, Kisdmaayo, Jammaame, Baaraawe, Marka iuyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa laga yaaaba inay saameyso deegaanno kale oo Xeebaha ka baxsan. Cabsida ayaa ah inay Duufaantani sababi karto burbur Hantiyadeed sida inay dumiso Guryo deegaannada dhaca iyo Doomaha Kalluumeysiga iyo kuwa Ganacsiga ee dhex goosha Marin-biyoodkaasi, sidaasi darteed, waxay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay bulshooyinka ku nool deegaannadaasi aan soo xusnay ugu baaqday “ in ay ka taxadaraan khatarta ka dhaslan karta Duufaantaasi.

Bayaanka ay soo saartay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ku tiri:- “ Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah ugu digeysa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida:- Kalluumeysatada, iyo Dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khatarta ku soo wajahan dhulka Xeebaha, waxayna ugu baaqeysaa maamulaada deegaannadaasi inay u diyaargaroobaan xaaladdaan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan Xeebaha iyo deegaanadaasi”.

Hey’addu waxay si gaar ah walaac uga muujisay Degaannada Xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan Aagga xeebaha.

Dhinaca kale Webiga Shabeelle ayaa dhawaan ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib Roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ay, iyadoo Shacabkii degganaa xaafadaha uu Webiga ku fatahay ayaa ka baracakay, waxayna naftu bidday inay deegaansadaan dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo Roobab wato dabeylo iyo daadad.

War farxad leh ayaa ah in 𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 uu 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫, lagactaas 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝e𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢l𝐥𝐚𝐝𝐚.

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, kaasi oo 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫, lagactaas 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝e𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢l𝐥𝐚𝐝𝐚.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada, iyadoo Munaasabadda Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa madashaasi ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faa’iidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wada shaqaynta Bangiga.

Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka daah furnaanta dhaqaalaha dalka.