GUULIHA SANADKII TEGAY OO NOQON DOONA XUSUUS SOOMAALIDA KU WEYN.

Sanadkii tagay ee 2023 dalkeena Soomaaliya waxa uu ahaa sanad nadaha kale oga duwan waana sanad ay dhaceen guula waaweyn sanado badan laga sheekeen doono, waxaana uu sanadkii tagay dabayaaqadiisa tariikh la ilowwaan ah oo kafac kafac ay ku naaloon doonaan guulihii lagaaray oo dalkeena u horseeday wadan iridaha caalamka u furmay iyo dhaqaala ahaan si xowli ah u soo kabanaayo.

Dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2023 dalkeena Soomaaliyeed waxa uu gaaray guula waa weyn oo aan halkaan lagu soo koobi karin balse aan doonaayo guulahaas waa weyn uu dalkeena hiigsaday islamarkaana laga dheehan karo isbadalka howliga ah ee dalkeena iyo dalkeena ay ku yimaadeen.

Guulaha lagaaray sanadkii tagay waxaa Ka mid ahaa 1. ladagaalanka kooxda Khwaarijta ah ee dalkeena iyo dalkeena Soomaaliyeed u diiday hooy iyo harsi, 2. Guusha labaad ayaa ah in dalkeena laga cafiyey Deen deemo tira beel ah oo muddo badan nalagu lahaa, 3. Qodobka sadaax oo ah qaadista cuna qabateenta hubka ee ina saarnaa, 4. Qodobka afaaraad oo ah ku biirista bulshada bariga Africa iyo guula kale oo muhiim ayaa jira balse waxaan doonayaa qodobada aan kor ku soo xusay in aan mid mid ula faguro oo ay bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan.

1.ladaagalanka kooxda Khwaarijta ah, dowladdeena Soomaaliyeed ayaa bilaawday guluf Ka dhan ah kooxaha Khwaarijta ah oo dadka iyo diinteena dhibaato ba’an ku haayey waxaana ay dowladda dagaal cir iyo dhul ah ku weerartay deegaanadii ay heesteen ayaga oo laga saaray deegaanadii ugu badnaa oo ka kala tirsan maamulada hirshabeele iyo galmudug waxaana la laayey horjoogayaashooda oo meedadkooda daad sanaa banaanada,.

Sidoo kale kooxda Khwaarijta ah ayaa bilaabay marka ay u adkeesan waayeen dagaalka ciidamadeena qalabka sida ayey bilaabeen in ay dhaawacyadooda ay ayaga sii dhameestiraan taasi oo Ka dhigan guul weyn iyo jab xooggan soo gaaray cadowga Khwaarijta ah.

  1. Deen cafinta: dalkeena Soomaaliyeed iyo dadkiisa waxaa laga cafiyey lacago tira beel ahaa oo nalgu lahaa muddo sanado badan oo ah guul weyn oo taariikhi ah oo u soo hoyatay dalka iyo dadka.

Deentaan ayaa dhibaato weyn ah inaga heysay oo dhawaaleheena caqabad ku aheed balse maanta taasi waa dhamaatay deentiina waa lacafiyey dhaqaalihii isbadal ayaa ku yimid dalkeenii maal gashadayaal caalami ah ayaa ku soo qul qulaayo si ay u maal gashadaan waana guul taariikhi ah.

  1. Qaadista cuna qabateenta hubka: dalkeena Soomaaliyeed waxaa laga qaaday cunawabateenta hubka oo inala saaray sanadkii 1992dii xiligaa oo dowladii ay inaga bur burtay taasina waxa ay caqabad weyn ku aheed ciidamadeena qalabka sida qeybihiisa kala duwan balse maanta waxaas waa soo dhamaadeen cunawabteentii hubka waa la inaga qaaday waxaana isbadal xooggan ku yimid dhanka hubka ah ciidmadeena qalabka sida oo ay cadowga Khwaarijta guula waa weyn ka gaareen waana guul taariikhi ah.
  2. Ku biirista bulshada bariga Africa: dalkeena Soomaaliyeed ayaa ku biiray bulshada bariga Africa oo muhiim inoo ahaa si ganacsigeena uu xuduuda oga gudbo waxa ay inooga dhigneed guul taariikhi ah ayada oo ay isku soo aadeen deentii oo nalaga cafiyey iyo in aan ku biiray bulshada bariga Africa.

Ku biirista bulshada bariga Africa waxa ay isbadal xooggan ay ku keeneysaa dhaqaalaha dalkeena waxaana dalkeena Soomaaliyeed Ka hergalaayo warshado waaweyn oo waxsoo saar leh islamarkaana loo iib geenaayo wadamada ku boqoobay bulshada bariga Africa waana guul weyn oo taariikhi ah.

Dalka Editoral