Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoggaaminaaya kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal.