Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS oo gaaray Baydhabo

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Taliska Qaybta 60-aad ee magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa  salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaybta 60-aad, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha qaybta Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiisha hoggaaminta.

Ujeedka Taliye Dayax Cabdi Cabdulle  uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah khaawaarijta ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyey Khawarijta.