Sidee ayay ku ogaatay Malaa’igtu in Ibna Binu’Aadan dhulka fasahaadin doonaan? Malaaigtu waxay ku garatay arrinkaa wakhtigii hore dhulka waxa ku noolaan jiray jin, kuwaas oo fasahaadiyay dhulkii sida taariikhyanada badhkood sheegayaan Malaa’igtii way gubtay.
Dadka qaarkood waxay sheegeen arrintaasi Nebi Aadan ayay ka horaysay qaarna waxay yiraahdaan waxay ka horaysay boqol kun oo sanno hadalkaasina waa hadalkii Jira, inkasta oo aanu sugnayn.
Sujuudii Malaa’igtu Aadan u sujuudeen waxay ahayd sujuud salaamed iyo sharafeed ee may ahayn sujuudi cibaadada, taas oo ay ahayn jireen sujuuda uu u sujuudo makhluuq cid kale mid banaan sharciyadii inaga horeeyay dabadeed illaahay xaarantimeeyay kuna xaarantimeeyay sharcigeena islaamka.
Degidii Aadan iyo Xaawa ay degeen Jannada:- Illaahay waxa uu faray Nebi Aadan (CS) iyo gabadhiisi Xaawa in ay degaan Jannada, jannadaas oo ah mid lagu waarayo ayna geli doonaan muuminiintu.
Illaahay waxa uu u fasaxay Aadan iyo xaawa in ay ku negaadana Jannada iyaga oo ka cunaaya miraheeda, cabaaya biyaheeda iyaga oo aanay ku dhibtoon daalna aanay ku mudan, iyaga oo helaaya wax kasta oo ay doonaan cunto, cabid geed kaliya mooyaane, geedkaas oo illaahay xaaran ka dhigay una diiday in ay cunaan. Waanu uga digay illaahay cadaawada Iblays.
Qur’aarkana kuma jirto Axaadiista rasuulka (CSW) ee sugana laguma hayo nooca uu yahay geedkani, laakiin culimadu way isku khilaafeen oo qaar waxay yiraahdeen waa geedka la yiraah: Xanda, qaarkoodna waxayba yiraahdeen waaba Tufaaxa, halka qaar kalena dhaheen waa Timirta, qaar kalena waxay sheegeen waa geedka Qumbaha. Laakiin wuu noqon karaa intan oo geed mid ka mid ah waana khilaaf iska yar, xukunkeeduna maaha in la sheego geedka, wax faa’iido ah oo ku jirta sheegidiisuna ma jirto haddii ay jiri lahaydna illaahay ayaa qur’aanka inoogu sheegi lahaa.
Xaawa iyo Aadan waxay iska degenaayeen jannada iyaga oo iskaga raaxaysanaaya wixii nimcooyin ahaa ee illaahay siiyay iyaga oo dhex maraaya dhirtaa goosanayana mirahooga, cabaaya biyaha macaan. Illaahay (SW) waxa uu yiri “Waxa aanu ku niri Aadan deg adiga iyo ooridaadu Jannada ka cuna meesha aad doontaan ha una dhowaanina geedkaa waxa aad noqon doontaan Daalimiine” Suuratul Al Baqra 35.
Sababtii looga soo saaray jannada:- Aadan ayaa khilaafay wixii illaahay u diiday shaydaankii ayaana waswaas ku riday asiga iyo xaawa.
Shaydaankii ayaa waswaasiyay Xaawa iyo Aadan waxaanu ku yiri la idinkuma diidin geedka ee haddii aad cuntaan waxa aad noqonaysaan laba Malag adduunyadana waad ku waaraysaan. Shaydaankii wuu u dhaartay waxaanu ku yiri anigu waan idinla talinayaa talo wanaagsan ayaana idin siinayaa waanu khiyaameeyay.
Markii ay dhadhamiyeen geedkii waxaaba u muuqatay cawradoodi waxayna bilaabeen in geedka caleemahoodi ku qariyaan cawradooda.
Illaahay ayaa u dhawaaqay oo ku yiri: “Miyaanan idin diidin geedkaa oona idin oran shaydaanku waa cadowgiina cadaystay cadaawada” Suuratul Caraa 22.
WD: Ibraahim Warsame