𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐮𝐮𝐦 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞

Simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa ka qayb galay munaasabad Quraan akhris ah oo loogu ducaynayay alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed.

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed,oo ku suntanaa abaabulka iyo ka qayb qaadashada hawlaha samafalka sida dhisidda Masaajidyada,goobo waxbarasho,qodista ceelal biyoodyo iyo gurmadka dhibatooyinka soo laalaabta, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood ay tilmaameen in marxuumku uu ahaa qof degan,afgaaban, naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegay si daacad ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Sanatarro, Xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.