Taliyaha ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka oo gaaray deegaanka Dhanaane

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa  gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.