Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee UNHCR ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Isaak Maxamuud Mursal, ayaa Talaadadii Muqdisho ku qaabilay wakiilka cusub ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Mudane Charles Leonard Mballa.

Wasiir ku-xigeenka iyo wakiilka UNHCR ayaa ka wada hadlay hagaajinta iskaashiga bani’aadamnimada, gaar ahaan isxilqaanka dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo Yemen.

Kulankan  ayaa ahmiyaddiisu ka mid aheyd  sare u qaadidda heerarka nolosha iyo abuuridda jawi ku haboon hagaajintooda, taasoo muujinaysa dadaalka Soomaaliya ee la shaqaynta UNHCR si wax looga qabto arrimaha muhiimka ah ee bani’aadamnimada iyo kor u qaadidda xalka waara ee bulshada barakacayaasha ah.