Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystay damintiisa.

Dabkii saakay ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleystay damintiisa, kaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba gaystay sida uu sheegay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in hal qof oo ah ilaaladii suuqa uu ku dhintay, isagoo sheegay in uu dabku ka dhashay kadib markii qaraxyo soo abaabuleen khawaarijta lagu qarxiyay halkaas.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in dhawaan maxakamad lasoo taagi doono xubna la qabtay iyagoo qaraxyo dhigayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, isagoo dhanka kale sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira baarista kuwa ka dambeeyay dabkaas.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku bas-beeleen dabka ilaa 12 xaruma gancsi, iyagoo sheegay inuu socdo tira-koobka rasmiga ah inta uu la egyahay dhaqaalaha ku baaba’ay dhibkaas ka kacay Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha.