Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay saraakiil ka socotay UK

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Ingiriiska ee tababarada ka caawiya ciidanka ee jooga degaanada koonfur Galbeed iyo sarakiil ciidan oo ay Wehlinayeen

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadlay Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulanka.

Inta kulanka socday ayaa madaxda waxa uga wada hadleen Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku Saabsan ka hortagida kooxda khawaarijta ee dhibaatada ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.