Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS iyo sii hayaha safiirka mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo  sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon oo magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa wada hadlayay  dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.