TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 68-AAD)

Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen.

Aad buu u xayraansan yahay wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa.

Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa.

Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji! Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay.

Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey kaftan iyo maad buu ku hafiyey saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey,

faan been ah ku asqaysiinayey tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

 

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol- dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey “Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay “See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday “Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday “Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay,

“Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.” “Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?” “Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?” “Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is- taqaanniine, waa tan nooh!”

Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri;

afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”