Guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka oo kulan laqaadatay safiirka shiinaha

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta booqatay Safaarada Shiinaha ay kuleedahay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyay safiirka ufadhiya Dalka Ambassador Fei Shengchao.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, howlaha horutabinta u leh Golaha Shacabka ee BJFS iyo sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa shuruucda taageereysa amaanka guud iyo xasilloonida dalka, horumarinta waxbarashada iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed.

Ambassador Fei Shengchao ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay in ay noqotay Gabadhii ugu horeysay ee xilalka ugu sareeya dalka soomaliya qabata, isagoo u rajeeyay in ay ku guuleysato howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Chinaha u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Dowladda Shiinaha taageeradeeda,garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.