Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan koofurta Mudug

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan guutada 13-aad Qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta GalmudugĀ  oo garab ka helaya Macawisleyda deegaanka ayaa howlgal culus ka wada koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku guuleysteen in kooxda Khawaarijta ay ka saaraan howdka u dhow deegaanka Jeex Jeexa kaas oo ku yaalla inta u dhaxeysa Caad Iyo Camaaro.