Shirweynaha Culimada dacwada Salafiga Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka socda Culimaa’diinka, dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada.
Shirka ayuu ujeedkiisu yahay gudashada waajibaadka Diiniga ah ee Culimada ka saaran dalka, dadka iyo Diinta ayadoo loo maraya cadeynta xaqa iyo naseexeynta Bulshada iyo cadeynta mowqifka Culimada Salafiga ee ku aaddan marxaladda dalku marayo.
Shirka ayaa sidoo kale lagu faaqididoonaa dardar-gelinta arrimaha dacwada iyo dhabbaha bulshada loogu gudbinayo, xoojinta wada hadallada Culimada oo muhiim u ah iska warqabka iyo isku xirnaanta marxaladda hadda uu dalka ku jiro, adkeynta mowqifka saxda ah ee laga qaatay khawaarijta iyo qorshaha dalka looga saarayo argagixisada.
Muhiimadda ugu wayn ee shirka ayaa ah ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya iyo garab istaagga mowqifka dowladda ay ka qaadatay damacaas.