Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qayb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Yugaandha

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaaladda Kampala ee dalka Yugaandha uga qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dalalka Qaaradda Afrika oo sannadkaan lagu lafa gurayo nidaamka xallinta khilaafaadka.

Billowga shirka ayaa laysku weydaarsaday doodo badan oo ka qeyb galayaashu ay ka jeediyeen hannaanka loo maro xallinta khilaafaadka kahor maxkamadaynta.