Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ergooyinka joogtada ah ee Ururka OIC

Sii hayaha Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka OIC ee magaalada Jidda, Cabdiraxiin Cusmaan Cilmi ayaa ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo ay halkaasi ku yeesheen khubarada iyo Ergooyinka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Kulankan ayaa waxa uu gogol-xaar u yahay shir kale oo ay yeelan doonaan Wasiirrada arrimaha dibedda ee dowladaha ku bahoobay Ururka, kaas oo looga hadlayo gabbood-fallada ay marinka Gaza ka geysanayso Isra’il.

Wasiirrda arrimaha dibedda ee waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa la filayaa in ay ka doodaan tallaabada kaga aaddan macaluusha ka jirta Gaza iyo xasuuqa ba’an ee ay Isra’iil ku hayso shacabka Falastiin.