Jabhada Fano oo ku hanjabtay in ay soo ridayso Diyaaradaha Ethiopian Airline

Jabhada hubeysan ee  Amxaarada ah ee Fano ayaa diginin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ciidanka ku soo daabuleysa gudaha gobolka Amxaaradda, Fano waxa ay sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxana ay xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40’000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimadyada ee hawadaha gudaha dalkaas sababa la xiriira khatartan.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn looga sameeyey.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah khatar ah ka markii Jabhada mucaaradka Ethiopia ayaa dib isu soo abaabulashay, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy,Si kastaba ha ahaate khatar duulimaadyada ganacsi ayaa waxa khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha guud dalka Ethiopia