Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir muhiim ah kaga qayb galay Washington DC

Washington DC- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay Madasha Xaaladaha Nuglaanta ee 2024-ka, taas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa caqabadaha nuglaanta, xaaladaha ay ismaandhaafyada iyo colaaduhu keenaan iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa Madasha la wadaagay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan sida dalalku uga gudbi karaan heerka nuglaanta una gaadhi karaan adkeysi iyo horumar waara.