Salaadiinta reer Baraawe waa ay diideen shirkiina waa ay ka soo baxeen, intaas ka dib taliyaaniga ayaa xoog ku soo galey dalka oo si qasab ah ayuu ku qabsadey Baraawe ilaa War-sheikh, isago markii hore Baraawe ka soo bilaabey,
Dadka reer Barawe runtii way iska caabiyeen oo dagaal mudo ah ka socdey dad badan oo reer Baraawe ah ayaana ku geeriyoodeen dagaalkaas taliyaaniga sidaas ayuu ku qabsadey baraawe, ilaa warsheikh sidaas ayuu ku aadey meel walba ay soomaalida degto marka uu imaado taliyaaniga waa ay la dagaalamaayeen.
Ugu dambeyn iyaga dhan ayuu la wareegey.
Taliyaaniga marka uu Barawe la wareegey waxyaabaha uu sameeye waxa ka mid ahayd warshada kabaha oo la dhihi jirey “komool” iyo warshada biyaha oo laga sameyn jirey biyaha oo loo yaqaaney “Aqua Minerale” xoga waa uu ka yara duwanaa biyaha caadiga oo biyahaan dhanaan ayuu lahaa, caloosha ayuu u roonaa caafimaad ahaan, sido kale Coca-Cola iyo Fanta waa la sameyn jirey.
Wadaadada soo marey magaalada waxa kamid ahaayeen Sh. Aweys Al Qaadiriyah oo ahaa Reer Barawe iyo Culumada kale ee Reer Barawe oo sida aadka ah loo xushmeeyo oo ay ka midka ahaayeen: Sh. Nuuraani Bin Axmed Saabir, Sh. Qaasim Al Baraawi, Sh. Xaaji Sadiiq, Sh. Macallim Nur Xaaji Cabdulqaadir, Sh. Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sh. Cumar Hiraabe, Sh. Maxamed Guduudow iyo Culumo kale oo badan dhamaantoodna ahaa Reer Barawe.
Waxa jirey sheikh caan ka ahaa barawe oo la dhihi jirey “Macalin Nuur Xaaji Cabdiqadir Cabdiyow” waxa dhaley suldaanka, macalinkaan Barawe waxyaabo badan ayuu kuso siyaadiyey isago ka caawiyey dadka barawe degaan inuu af barawe ugu turjumo diinta, waana waxa uu kaga duwanaa sheikhyada kale, isago u sameynaayo qaab nashiido okale ah si dadka aysan u ilaabin si dhaqso ahna ay ufahmaan waxa loo yaqanaa “ishteenzi” dumarka dhan wee yaqanaan oo si maalinla ah ayee u isticmalaan, ishteenziga macalin nuur ayaa la dhahaa oo waxa uu ka hadlaa axkaamta oo dhan sida: abuu shujaac, minhaaj,mugni iyo kutaabada maa’ul wardi la dhoho iyo kutaabo kale oo badan oo axkaamta ah ayuu af barawe ka dhigey.
Dhaqaatiirta ugu caansanaa ee soo marey magaalada waxa kamid ah: Mad-Maslam, Madaa-Qaasimu, iyo Haanaa.
Meelaha caanka ah ee dalxiiska loo tago waxa kamid ah: Sarta Sayid Barqash, Chillani iyo Minaaradda.
Sido kale magaalada waxa ay caan ku tahay macmacaanka iyo cunooyin ka duwan kuwa somalida sida: Mayangaamba, Kalaamuudo, iyo cunoyin badan, Cuntoyin waxa jiro oo magaalada loogu magac darey sida: Muufo Barawe iyo Caano Barawe.
WQ: Sacdiyo Sheekh Baana
DHAMAAD