Soomaaliya oo heshay taageero ku aadan Xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

Soomaaliya ayaa heshay taageero ku aadan in loo magacaabay xubinta kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo mudadiisu noqon doonto 2025 ilaa 2026.

Taageerada Soomaaliya ee loo fidiyay waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo horumarka dalka iyo awoodda ay si firfircoon uga qayb qaadan karto doodaha ku saabsan nabadda iyo amniga,gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya walaacyo amni oo adag.

Ansixinta xubinta aan joogtada aheyn ee Soomaaliya waxay guul u tahay umadda Soomaaliyeed,iyadoo sidoo kale guul u ah ummadaha kale ee ku dadaalaya inay ka gudbaan colaadda una gudbaan nabadda. Labada sano ee soo socota waxay muhiim u noqon doonaan Soomaaliya si ay u muujiso horumarkeeda iyo hoggaaminteeda, iyadoo masraxa adduunka laga yaabo inay dib u qaabayn karto hal-abuurka iyo doorka caalamiga ah ee sannadaha.

Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa doorkeeda ku aadan Golaha Ammaanka ,iyadoo beesha caalamku si weyn u sugayaan wax-qabadka dowladda oo horay loo tijaabiyay sida la dagaalanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee dalka.

Haddii Soomaaliya loo doorto kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka waxay diyaar u tahay in inta lagu guda jiro wadatashiyada ay soo bandhigto aragtiyo ku saabsan xallinta khilaafaadka, dadaallada nabad ilaalinta iyo wax ka qabashada baahiyaha gobollada ay saameeyeen iskahorimaadyadu.

Soomaaliya waxay wajahday caqabado ku gudbanaa wadadii ay ku gaari lahayd guushan oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday iyo xasillooni darro. Si kastaba ha ahaatee horumaradii ugu dambeeyay ee dhanka maamulka, amniga iyo diblumaasiyadda ayaa Soomaaliya ka dhigaya mid lagu aamini karo howl kasta.