Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya Mudane Cabdullahi bin Mudlaq alcutaybe .

Inta uu kulanku socday, arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; howlaha dib u heshiisiinta , Xasillinta dalka iyo iskaashi dhexmara Wasaaradda iyo Jaamacadda Carabta ee dhinacyada nabad-dhiska Soomaaliya iyo arrimo kale.