Maraykanka oo diiddan qaraar cusub oo la xiriira xabbad joojin laga sameeyo Gaza

Mareykanka ayaa wacad ku mamray in uu diidi doono qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku dalbanayaan xabbaal-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah oo laga sameeyay Gaza.

Qaraarkaan oo ay soo gudbisay Al-jeeriya ayaa lagu dalbaday in si degdeg ah loo dhaqangaliyo qaraar cusub oo xabbad-joojin si xal loogu helo baahida biniaadanimo iyo gurmadka ay u baahan yihiin dadka rayidka ah ee barakacayaasha Falastiin.

Diidmada Mareykanka iyo baaqa Qaramada Midoobay ee dhinaca Gaza ayaa yimid xilli 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaasi lagu dilay in ka badan 60 qof oo rayid ah kadib duqeymo ay geysteen ciidamada Israa’ii.

Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in horumar laga gaaro xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza uu sii yaraanayo,isagoo intaa raaciyay in wadahadaladii socday  maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo aan laga fillan Karin rajo wanaagsan.

Sidoo kale,Ra’iisul-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dalabaadka Xamaas ee dhinaca xabbad-joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista in ay yihiin kuwo khayaali ah, ka dib markii ay kooxdu ku eedaysay Israa’iil horumar la’aanta laga gaaray heshiiska in ay mas’uul ka yihiin Israel..

Duqeymaha Israa’iil ee ka socda Gaza galaaftay nolosha in ka badan 28,858 Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 68,667 tan iyo 7-dii October.