Wasiir Daa’uud Aweys” Ethiopia waxaa ay gashay qalad weyn oo taageero u noqon kara amaba dhiirri galinaya Argagixisada”.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane,Daa’uud Aweys Jamac ayaa sheegay in xadgudubka Itoobiya ee badda Soomaaliya uu yahay mid tageero u noqonayo argagixsada,saameyna ku yeelan doono waddamada gobolka iyo guud ahaan caalamka.

” Ethiopia waxa ay gashay qalad weyn oo taageero u noqon kara amaba dhiirri galinaya Argagixisada”.Wasiir Daa’uud Aweys”

Dowladda ayuu sheegay wasiirka in ay wali ku taagan tahay go’aanka ah in inta Itoobiya  kalaabaneyso falkaa gurracan ay ku dhaqaaqday aysan jiri doonin wax wada hadal ah oo ay dowladda la galeyso.

Wasiir Daa’uud oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa intaa ku daray hadalkiisa in si cad ay Itoobiya ugu xadgubtay madaxbannaanida iyo qaranimada ummadda soomaaliyeed,taasoo uu sheegay hadeysan kalaaban ay ka dhalan karto cawaaqib xun oo saameeya dhammaan wadamada gobolka.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya ayaa intaa ku daray hadalkiisa in soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in dowladaha deriska la ah ay nabad kuwada noolaadaan,balse cid laga yeelayo aysan jirin in lagu soo xadgudbo midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda soomaaliya.

Wasiirka ayaa markale ugu baaqay in itoobiya ay joojiso ficillada gurracan ee aan u adeegeyn danaha labada dal.