Agaasime Cabdiqadir Cali Dige “Cawaaqib Xumo ayaa ka dhalan doonta Damaca Gurracan ee ay ku dooneyso Badda Soomaaliya”.

Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Ethiopia ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga hor istaageen inuu galo xarunta Shirka Midowga Afrika.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Qaranka Cabdiqaadir Cali Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu khudbad ka dhan ah Itoobiya ka jeediyey shir Madaxeedka Midowga Afrika, kaasi oo uu Madaxweynuhu si cad u sheegay damaca gurracan Itoobiya ay ku dooneyso Baddeena iyo Ficilada foosha xun ee ay Itoobiya ku dooneysay inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweynaha JFS ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga loo dhanyahay ee Midowga Afrika waxa uu ka sheegay in xadgudubka ka dhanka ah Madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya ay ka dhalaneyso cawaaqib xumo saameysa xasiloonida iyo horumarka geeska Afrika, wuxuuna ugu baaqay hoggaanka Itoobiya inay ka waantoobaan damaca indho la’aanta ah ee aan u adeegeyn mustaqbalka labada shacab”.

Mudane Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si cad u qeexday inaysan waxba ka jirin marmarsiyaha Itoobiya ee la xiriirta doonistooda badda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu xusay in Ururrada heer Gobol iyo heer Qaaradeedba ay wada qireen xadgudubka Itoobiya iyo sida is afgaradkaasi uu u baalmarsanyahay sharuudda iyo xeerarka Caalamiga ah.


Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay.