Waa Kitaabka Ilaaay uu u soo dejiyey addoomahiisa hanuun iyo caddeyn ahaan iyo kala saarid xaqa iyo baadilka, waana kitaab laga dhowray beddelaad iyo doorin, sidaas awgeed wuxuu Allaah ku amro dadka Kitaabkiisa gudahi ama ka reebo, waxaa saaran dhammaan Muslimiinta inay u hoggaansamaan amarka iyo iska reebiddaa, hadduu yiraahda:
“Oo ooga salaadda” (An-Nuur: 56) waxaynu dhab ahaan ogaannay waajibnimada salaadda, oo hadduu yiraahdo:
“Oo ha u dhowaanina zinada waayo waa anshax darro iyo jid xun” (Al-Israa: 32) waxaan dhab u ogaannay inay xaaraan tahay zinada. Maadaama uu Allaah kafaala qaaday ka dhowrista Qur’aanka beddelaad iyo wax ku kordhin ama ka goyn, markaa waxaynu u baahannay oo keliya inaynu iska hubinno inay Aayadda loo daliilsan karo arrinka loo soo daliilsaday.
Labo: Sunnada Rasuulka SCW
Sugnaanshaha u tiirinta xadiiska Nabigeenna SCW culimada islaamka sameeyeen dadaal aad u badan, iyo u kuur gal xeel dheer xagga odorisidda sunnada Nabiga iyo ka soocidda xadiiska sugan ee saxiixa ah ee ku sugnaaday werinta rag lagu kalsoon yahay oo xifdin badan laga sooco haddalada loo tiriyo Nabiga s.c.w ha yeeshee aan ka mid ahayn sunnadiisa, ee ka dhashay gef ama ismoodsiin ama been abuurashada cadowyada islaamka qaarkood.
Waa in xadiiska u suubbado in loo daliilsan karo macnaha la doonayo oo loo soo daliilsan, waxaana suura gal ah daliillku inuu cad yahay aan la isku khilaafi karin macnahiisa, oo waxa dhici kara inuu yeesho wax hal macno ka badan, ama aan la fahmi karin in loo geeyo xadiis kale maahee.
Saddex: Ijmaaca
Waa isku wada raacidda culimada islaamka dhammaan ay isku wada raacaan arrin ka mid ah arrimaha diinta waqti kasta ay joogaanba, inta badanna axkaanta islaamka iyo sharciyadiisa waaweyn way isku raaceen culimada islaamka oo iskuma ayan khilaafin, waxaana ka mid ah tirada rakcooyinka salaadda, waqtiga af xirashada soonka, waqtiga afurka, qaddarka sakada ee dahabka iyo qalinka, iyo axkaanta kaleba.
Haddaba hadday isku wada raacaan saxaabada ama ciddii timaadda gadaashood hal qowl waxay arrintaasi markhaati u tahay sugnaashadiisa, waayo ummaddu iskuma wada raacdo gef.
Afar: Qiyaaska
Waa xukunka laga bixiyo mas’alo aan ku soo aroorin Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka SCW iyadoo loo eegayo mas’alo kale oo soo aroortay ee kala mid ah xagga cillada iyo sababta. Tusaale waxaa u ah hadalka ah inay xaaraan tahay in gacan loo qaado labada waalid iyadoo arrinkaas looga qiyaas qaadanayo in la xaaraantinimeeyey in laga ufoodo oo lagu qeylsho, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
“Oo ha ku oran uf, hana ku qeylinin” (Al-Israa: 23) haddaba hadduu Allaah xaaraantinimeeyey in lagu qeyliyo si aan ugu waxyeelleyn qeyladaa, markaa xaaraan ahaanta in loo gacan qaado waa caddahay oo waaba ka daran tahay, waayo waxay ka siman yihiin cillada dhibaateynta. Waana qayb xeel dheer cutubkan ay ka gun gaari karaan oo keliya culimada ku xeel dheer cilmiga, waana qiyaaska waxaa lagu ogaado axkaamta mas’alooyinka soo cusboonaada.
Xigasho: Tixraaca fudud ee Muslimka
WD: Ibraahim Warsame La soco qeybta xigta