BURBURKA GEESKA AFRIKA MAAHAN MID SHALAY BILOWDAY

Burburka Geeska Afrika wuxuu ka soo bilowday markii ay sanadkii 1977 foodda is dareen labadii kacaan ee ka dhisnaa Soomaaliya iyo Itoobiya si loogafaa’iideysto keydka macdanaha iyo shidaalka ee dalalkaa.

Muddo dheer ayey gaanshaanbuurihii NATO iyo WARSAW  dadaal ugu jireen sidii ay u ogaan lahaayeen keydka ku jira geeska Afrika waxaana ilaa iyo markii soomaaliya xornimada qaadatay ku dul wareegayey dalal badan oo Mareykan iyo reer galbeed ah.

Midowgii Sofeeti ayaa iyada wax kala socotay arrimaha keydadka ku jira geeska Afrika waxayna dalalkaas midba mar uu gacan saar la yeelanayey Soomaaliya si ay u noqdaan saaxiibada ugu dhow Soomaaliya .

Baaris badan marka ay sameeyeen si fiicana wax uga ogaadeen waxaa dhashay is herdin u dhaxeeya labadaas gaashaanbuur oo ka dillaacay geeska Afrika waxayna ku kala abuureen Madaxweyneyaashii Soomaaliya iyo Itoobiya ee xilligaa.

Akhirkiina waxaa labada dal laga dhex abuuray dagaal aan waxba la isula harin waxaana ka dhacay burbur ciidan iyo khilaafyo aan laga soo kaban ilaa maanta .

Dagaalkaas ayaa socday ilaa 1982 iyadoo dhul badan looga qabsaday Itoobiya inkastoo markii dambe soomaaliya ku soo jabtay waxaana burburay hubkii yaalay geeska Afrika oo la isu adeegsaday.

Siyaasaddii ay kala hagayen ayey dib ula noqdeen dowladihii fodda isu galiyey labada dal waxaana gabbalka u dumay oo go’doon siyaasdeed galay labadii dal ee dagaalamay.

Mar labaad ayuu labadii dal ee isku dumayey labada dal oo ah Mareykanka ayaa soo bandhigay dowladdii soomaaliya isagoo soo jeediyey in uu qeb ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha wuxuuse shuruud uga dhigay n xukunkii mllatariga lagu bedelo md rayid ah,

Codsigaa oo ay ku jireen ku hoos socda oo ahaa in ay wixii shidaal ah ee la soo saaro ku yeeshaan kala bar waxaa diiday jen Siyaad Barre taas oo keentay in markii dambe in jabhado loo abuuro lana dejiyo dalalka deriska iyadoo la jaray kaalmooyinki dowladda la siin jiray.

Jahowareer ayaa soo wajahay dowladdii militariga iyadoo ay dillaaceen dagaalo wejiyo badan leh iyadoo jabhadii ay soo galeen gudaha dalka kuna milmeen dadka iyadoo dowladda Soomaaliya dhankeeda ay abuurtay jabhado ka horjeeda dowladdii Itoobiya.

Dalalka geeska ma fahamsanyn cilladu Meesha ay ka jirto hase yeeshee qalalaaso iyo dagaalo badan ka dib waxay labada dal isugu yimaadeen wada hadal waxayna ku heshiiyeen in maxaabiista la isu celiyo isla markaana la soo bixiyo jabhadaha kala jooga labada dal.

Jabhadii ayaa dalalkoodii la galay dagaal maadaama laga soo qaxiyey dalalkii duggaalka u ahaa waxaaana dal walba gudihiisa ka dhacay dagaallo beelo salka ku haya ilaa ugu dambeyntii markii jabhaduhu xoog u soo galeen soomaaliya ay keentay in ay burburto dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa badaha soomaaliya soo fariistay maraakiibta dalal badan oo shisheeye ah si ;oo gurto kheyraadkii badda ee Sooaaliya taas oo caqabad ku noqotay kalluumeysatii soomaaliyeed iyadoo badweynta marka ay gaaraan biyo kulul lagu soo shubo qaarna doonyaha lala geddiyo.

Arrinta ayaa keentay in kalluumeysatadii soomaaliyeed ay hubka qaadaan waxayna bilaabeen in ay adeegsadaan doonyo dheereeya iyadoo indho kulul tusay maraakiibtii dhaca u geysaneysay badaha soomaaliyeed .

Markii ay somaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan loo baabi’iyey waxaa haatan ku soo xigay Itoobiya oo haatan mareysa meeshii ugu dambeysay waxaana ku socda burbur saameyn ku yeelan doona siyaasad ahaan , isir ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Si kastaba ha noqtee waxaa wanaagsan isku tashi iyo isfaham in uu ka dhaco geeska Afrika iskana ilaaliyaan xarigga siyaasadeed e meelaha fogfog ku xiran maadaama geeska Afrika uu yahay meel isha lagu wada hayo.

Taas waxaa ugu wacan in Geeska Afrika uu yahay buqcad laga maamuli karo dalalka carabta iyo Afrika sidaas awgeedna mandiqadan waxay leedahay cadow fara badan waana dad bulsho ahaan uu ka dhaxeeyo degaanka iyo derisnimada waxayna u baahan yihiin nabad iyo xasilloni, ganacsi iyo is dhexmar maadaama ay yihiin dad asal ahaan aan kala fogeyn degaankuna ka dhaxeeyo.

Hadaba waxa wanaagsan In ay ilaashadaan kheyraadka dhulkooda iyo badooda nabadna ku wada noolaadaan xagga ganacsiga iyo degaanka isna kaashadaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha . Dowladaha bahwadaagta ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya waa in ay ilaaliyaan wax kasta oo keenaya ama abuuri kara kala shaki iyo colaado xawilan oo ay ka dambeeyaan dalal kale.

W/Q: Abwaan Gabayre