Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo fashiliyey Weerar gaadmo ah oo soo qaadeen Argagaxisada Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Shacabka magaalada Wisil ee gobolka Mudug,ayaa Cashar lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Alshabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday saakay aroornimadii hore ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku lahaayeen afaafka hore ee Magaaladaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan isla markaana socday muddo ka badan labo saacadood ayaa loogu awood sheegtay Maleeshiyaadka Damacoodii guracnaa ee Qabsashada Magaalada muhiim ka ah.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka Khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.