Muddo haatan laga joogo 40 sano ayuu qalabka isku xirka bulshada (Social Media ku soo biiray caalamka waxaana emailkii ugu horreeyey la is weydaarsaday 1971kii iyadoo qalabkan oo ay ku jiraan Facebook , Twiter iyo isgaarsiinta kale sida telefoonnada thuraya-ha ay la yimaadeen horumar dhnaca isku xirka .
Qalabkan ayaa haatan afartii qofba qof uu caalamka adeegsadaa iyadoo loo heysto mid aan dhib laheyn balse cilmi baareyaasha ayaa sheegaya in ay leeyihhin dhinac taban oo saameyn ku yeeelan kara qofka maskax ahaan iyo dabeecad ahaan.
Daraasad la sameeyey 2012kii oo ay sameysay jaamacadda Lehigh ee ku taalla gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka waxaa lagu ogaaday in ay shucuurta qofka samayen waxayna dadkii lagu tijaabiyey darasadda ka soo baxday oo ahaa Mareykan 15% ay qalabkani dabeecadooda bedeleen halka 51% laga ogaaday in saameyn xun ay ku yeesheen.
Hadaba dadka Soomaalida ah siiba dhallinyarada ayaa qalabkan adeegsada waxayna dhallinyaradu muddooyinakan dambe diiradooda saaraan safarada tahriika iyo wax ka ogaanshaha nolosha qurbaha ,,,
Qalabka teknolojiyada cusub oo ay ku jiraan isgaarsiinta casriga ah iyo kuwa baraha bulshada sidee loola xiriirin karaa tahriibka dhallinyarada Somaalida .
Xamsa Maxamed Shiikhdoon oo ku nool magaalada Hargeysa wuxuu daraaseeyaa saameynta baraha bulshada iyo isgaarsiinta ay ku leeyihiin tahriibka dhallinyarada wuxuuna sheegay in sababaha dhallinyaradu ay ugu hanqal taagaan tahriibka ay qalabkani ku hoggaamiyaan.
“ Dhallinyarada dalka ka tahriibtay ee tagtay dalalka kale waxay sawiradooda oo ay isaga soo qaadeen meelo qurxoon ayey soo dhigaan baraha bulshada ,, waxayna saameeyaan dhallinyaradii gudaha dalka ku nooleyd iyagoo isu ekeysiinaya dad barwaaqo ku hoortay ..”ayuu yiri Xamsa
Sadaam Maxamed Axmed waa aqoonyahan bartay sharciga aqoona u leh saxaafadda wuxuu qabaa in qalabkan isku xirka bulshada uu caalamka ku yeeshay saameyn kala duwan oo isugu jirta mid xun iyo mid wanaagsan
“Baraha bulshadu waxay sahleen isku xirka dadka iyo iska warqabkooda laakiin dhinaca tahriibka dhallinyarada waxay abuureen hiyi-kac ..iyo in dhallintii Afrika oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida ay dalkoodii ka jeclaadaan dal aaney aqoon oo aney ogeyn waxa ay ka heli karaan” ayuu yiri Sadaam.
Isgaarsiinta ama qalabkani saameyntiisa kuma koobna xiriiradaa hase yeeshee waxay kaalin ku leedahay abaabulka safarada tahriibka ee kooxo dhallinyaro ah oo isku xirma inta badanna isticmaala isku xirka isgaarsiinta telefoonka si ay isugu abaabulaan safaradaa iyadoo qaarkood ka qarinaya waalidiinta sida uu sheegayo Xamsa Cali Shiikhdoon.
‘’Akhbaarta safarka waxay ku kala qaataan dhallinyarada baraha ay ku jiraan Facebook oo ay iska abaabulaan ,waxayna isku dhaafsadaan macluumaadka”ayuu yiri
Waalidiinta ayaa ku kala qeybsan safarada tahriibka dhallinyarada oo qaarna ku taargeeraan qaarna ka horjeestaan hase yeeshee marka safaradani bilowdaan ayaa hadana isgaarsiintan casrigan ah hadana kaalin ku yeelataa xiriirka waalidka, dhallinyarada tahriibtay iyo kooxo safarada abaabula oo sheegta lacago wuxuuna Cali Cabdi oo Muqisho ku nool xirriiro isgaarsiineeeed oo ay ilaa haatan la soo sameeyan kooxo ku sugan Liibiya oo heysta walaalkiis lacagta safarkana ku sheeganaya.
“Telefoonada waa meesha laga soo waco waalidiinta marka carruurtooda ay ku dhacaan dabinka kuwa wax tahriibiya oo telefoonada ku muujiya handadaad” . ayuuna yiri.
Mararka qaar sheegashada kooxahaasi aad bey u dhibtaa waalidinnta oo qaarkood aaney heli karin lacag ay carruurtooda oo loogu hanjabayo in la dilayo ama ama iyagoo la ciqaabayo isgaarss inta loogu so gudbinayo aaney furan karin wuxuuna adeegsiga isgaarsiintan u arkaa C/naasir Aadan mid xoogaa wanaag leh oo qofkaa la heysto u keeni karta in uu badbaado helo wuxuuse ka horjeedaa in marka horeba la galo falkaa isbiimeynta ah.
“Mararka qaar hanjabadaadaha waxaa ku jira jir dil telefoonka toos looga maqlo ..taas oo ah calool xumo” sida uu sheegay .
Qalabkan isku xirka bulshada marka dhinaca kale laga eego waxaa lagu soo gudbiyaa dhibaatada tahriibka iyo tahriibayaal boqlaal ah oo badaha ku qarqamay iyo muuqaalo naxdin leh oo ku saabsan doonyo degay iyo tahriibeyaal ku baaba;ay hadana saacad walba iyo maalin walba dhallinyaradu qatartaa wey ku sii socdaan , waxyana dadku ka fekeraan su’aal ah maxay dhallintu ugu sii dhegan yihiin arrinta, wuxuuna Xamza Cali shiikhdon ka hadlayaa sababaha ku kallifaya dhallinta in aaney ka tanasuleyn safaradan.
“ Wey adag tahay in dhallintu ka tanaasulaan laakiin waxay u baahan tahay in loo helo fursado waxbarasho..shaqooyin iyo in kor loo qaado mooraalka dhallinyarada” ayuu yir Xamza.
WQ: Mohamed Hassan