Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray goobo loogu diyaar garoobayay xuska Maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ah Gudiga Qabanqaabada xuska Maalmaha xoriyadda ayaa maanta kormeer ku tagay taalada Daljirka Dahsoon, Taalada Dhagax-tuur iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah bulshada Caasimadda oo diyaar garoow ugu jiray Xuska Maalmaha Xoriyadda  ,

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa dhiiragaliyay doorka ay shacabka ka qaadanayaan muujinta astaamaha Qaranka iyo sida loogu xardhay goobaha Ganacsiga  iyo dhammaan goobaha Muhiimka ah ee Caasimadda, taasi oo qeyb ka ah hannaanka lagu weyneynayo xuska tobaadka xoriyadda.

Guud ahaan dalka ayaa laga dareemayaa diyaar garowga Xuska Maalmaha Xoriyadda,  Calanka Jamhuuriyadda ayaa laga taagay  guud ahaan goobo badan oo ka tirsan Degmooyinka iyo Gobollada Dalka.