Aw-Mukhtaar kama hoos qaadin caradii haysay baa caqligiisa indha-tirtay erayadiisii eedeynta iyo canaanta ahaa buu ku sii tiiqsaday, ilaa uu Xaaji Muuminna markiisa sara kacay.
Kulaylkii walaalkii ka soo burqanayey baa dulqaadkiisii buux-dhaafshay markaasuu isna dhankii qaylo iyo eedeyn kala kacay.
Xaalkii middi middi ku-taag buu isu rogay dabkii bensiin hor leh baa ku daatay holacii waa sii fiday dhul fayoobaa buu qabsaday waxay gaartay in la isugu hanjabo, “Noo kala sooc sarihii iyo dukaammadii naga dhaxeeyey, ee adoogay laga dhaxlay.”
Maalintaasi qoyskaas waxay u ahayd maalin baas 13kii Mowliidow lagu eed! Kala fogaa ciiddii lagu qorsheeyey iyo cawaaqib xumada ay la timid! Xaafadi maalinta gelinkeedii hore farxadda iyo damaashaadka isugu gurmanaysay, waa taas gelinkii dambe gabida hoos u wada rogatay!
Aaway dadkii saaka farxadda la soo kallahaye qosolka iyo raynraynta ku wada quraacday! Waa kuwaas wada qulbay, qalbigu madoobaaday, qofba jaho u jeestay, qaar dhafoorrada haystaan, qaarna farta dhexda ka qaniinayaan!
Qof kaleba ha joogee, Jiija waxay la noqotay in qabri ku dumay qayaame ka weyn oo ku dhici lahaa in uu jiro lama ahayn qulub iyo caloolyow bay carrabka dhexda ka qaniintay qosol been ahna dadka eegmada ku dhibaya,
ilkaha u caddaysay, si aan loo oran, “Nin-raadis bay la caraysan tahay!” Waa ciqaabka ugu weyn ee ay ku jirto calool xumada haysoo ayan muujin karin baa cudur hor leh ku noqotay.
Tabar iyo talo midna ma hayso aayaheedu gacanta uguma jiro dhaqan gaboobay bay addoonsi ugu jirtaa oohinta haysa inay sii dayso xataa xor uma aha iyadoo uurka ka ooyaysa ayay ku khasban tahay in ay qosol been ah ilkaha caddayso!
Aweyska ay u ooyayso qudhiisu maalintaas kama uur-ku-taallo yara waase ka adkaysi iyo itaal roon yahay amarka dhacay isagaba dhaawac halis ah
ayuu u gaystay hase yeeshee, sida Jiija lama ahayn darbi aan la dhaafi Karin calaf aan laga doodi Karin ma oggolayn in uu is-dhiibo, mana garanayn wax uu sameeyo filan-waagii bay la noqotay in maskaxdiisa fuqba meel u jabay, fikradihii ku soo dhici lahaana faniinba meel u duulay!Intuu xaafaddii ka qaxay buu qar xeebta ku yaal hoos fariistay.
Dhagax soo fiiqan buu ku dhacadiidsaday faruurtuu dhexda ka qaniinay. Fikradihiisii kala firdhaday buu biyaha badda ka dul haab-haabtay hadba meel bay wax iska tusaan wax waliba ku soo dhace.
Go’aanna gaari kari waa waxay uga badan tahay in uu Jiija la dhuunto, kaddib meel kasta ha kala dhacdee.
Dhibaatooyin sidii uu uga gudbi lahaa la adag tahayna way u muuqdaan fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan.
Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay.
Waa siduu rabaye codkii baa gudaha u gudbay waxaa maqashay Beyddan Shabeel oo hor fadhiday, shaqo iyo sheeko wixii ay u baahdaanna ka haqab tiraysay, laba nin oo qolka labadiisa gees laba joodari iyo dhawr barkimood ku kala dangiiga, laba gabdhood oo dhawaan qaan-gaarayna midba
tiisa afarta addin dhexdooda ku haysto, sidii hooyo iyo ilmaheed, afkana qaad ugu gurayso, marka uusan isagu ammuuro kale ku hawlin! muusikada baxaysa, marqaanka lagu dhex jiro iyo buuqa la isku maaweelinayo, ma ahayn mid wax laga maqli karo, xitaa haddii daaradda bambooyin ka qarxaan.
Hase yeeshee, Beyddan Shabeel horay bay labadeeda dhegood ugu carbisay in ay midina ku jeesato martida u fadhida, midda kalena martida cusub ee soo degeysa dhaqdhaqaaqooda dibedda kala socoto looma baahna in ay is-arkaan labada martiyood, ama is-ogaadaanba! Yartii u adeegaysay oo bannaanka ka shanqaraysa ayay amar siisay, “Naa fiiri baabuurkaas!”
In yar kaddib bay Faaduma-Yarey warbixintii u keentay. Iyada iyo guntiinadeedaba waxaa ka muuqda diiftii iyo daalkii ay ku rideen hawlaha adag ee is-daba joogga ah ee ay Bayddan martideeda ku farax gelinayso, si gacmahoodu jeebabka ugu dhiirradaan, “Naa dhakhso qolkaas soo gogol! Keer soo nadiifi! Shaah kale soo kari! Khum-khum soo shid! Kooka-Koolla iyo sigaar soo gad! Biyo soo aroor! Suuliga biyo gee! Macawiisaha iyo dhiinsoolayaasha dhaq, waa kuwii caawa lagu fariisan lahaayee!” Amarradaas fulintooda ayaa gabbalku ugu dhacaa, waaguna ugu baryaa.
Kala fogaa fahma-darrada Faadumo-Yareey ka muuqata iyo sida ay u shaqaynayso waa agoon 13 jir ah ee aabbaheed beer yar degmada Afgooye ku lahaa markuu dhintayna iyada iyo afar walaalaheed ah oo ka sii yaryar, Xamar u soo dalaabeen. Dilka, af- xumada iyo shaqada naxariis la’aanta ah waxay ugu dul-qaadataa si ay kuwii ka yaryaraa rooti ugu geyso.
Badanaa inta jeer ay habeen-barkii ula gudday hambada shaaha iyo cashada ay ka kacaan martida marqaansan ee Bayddan markii soo daadi la yiraahday dambiil ku aruursataa, si ay walaalaheed noloshooda ugu badbaadiso! Intay si miskiinnimo ah irridka isu soo taagtay bay tiri, “Waa ninkii buurraa oo baabuurka dheer wadan jirey.”