DOORASHO DADWEEENE IYO DOORKA SHACABKA

Africa intabadan waxaa ka dhaca is qab-qabsi doorasho oo mararka qaarkood ay sababaan dagaal sokeeya taasina waxa ay tahay faham la aanta democracy eek a jirta Africa basle waxaa jira wadama yar oo Africa ah oo doorasho xor iyo xalaal ka dhacday.

Guumeestayaasha marka ay ka baxeen qaar ka tirsan wadamada Africa waxaa ka bilaabatay ifafaalo wanaagsan oo dhanka democracy waxaana kow ka ahaa dalkeena soomaaliya oo ka dhacaday doorasho dadweyne oo madaxweynihii talada haayey kaga guuleystay Raiisal wasaaraha oo ugu danbeyn xilka ku wareejiyey.

Soomaaliya waa dal madaxbanaan waana dal leh xuduudo la aqoon sanyahy waana dal dadkiisa ay gaarayaan ku dhawaad labaatan malyan oo qof waan dalka dadkiisu ay baahi weyn u qabaan doorsho dadweyne si ay u soo doortaan siyaasiyiin waxtar leh oo dad iyo deegaanba wax u qaban kara islamarkaana ay ku kalsoon yihiin.

Haddii aan dib idiin celiyo guumeestihii kadib dalkeena soomaaliya  waa dalka kaliya ee Africa ay Ka jirto dimuqraadiyad xooggan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay shacabkooda ay weydiisan jireen codkooda islamarkaana ay go aamin jireen shacabka qofka ay xilka u dhiibanayaan.

Sanadkii 1969 dalkeena soomaaliya waxaa Ka dhacaday doorasho taariiqi ah waana doorsho ay wadamo african ahay ku dadaydeen waana doorsho ay shacabka Soomaaliyeed ay go aamiyeen taasina waxa ay baal dahab ah Ka gashay taariikhda soomaaliya iyo qaarada africa.

Doorashooyinka dadweynaha waa doorsho ay shacabka ay awood buuxda u leeyhiin cidda ay rabaan in ay doortaan ama diidaan taasina waxa ay tahay democracy ay gaareen shacabka waana waxa kaliya ay shacabka anfici kara sababtoo ah shacabka haddii ay ku xumaadaan siyaasiyiinta ay doortaan waxa ay markale xaq u leeyihiin in aysan dooran siyaasiyiintaas balse badalkooda ay doortaan kuwa wax u qaban kara shacabka ay matalayaan.

Hadaba muhiimad intee in leg ayey soomaaliya u leedahay doorasho dadweyne.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay baahi weyn u qabaan mar uun in ay codkooda ku ciilbaxaan sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu danbeysay in ay waxdoortaan sanadkii 1967dii xiligaa oo talada looga guuleystay Madaxweyne Aadan Abdulle Cusman taasi oo Ka dhigan in shacabka Soomaaliyeed ay hamuun buuxda u qabaan in ay waxdoortaan.

In shacabka Soomaaliyeed loo celiyo codkooda waxa ay ka dhigan tahay shacabka in ay helaan fursan ay marwalba ku taamayeen taasina waa riyooyinka ay in muddo ah ay ku riyoonaayeen.

Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa go’aano ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in lajoogo waqtiga ay shacabka Soomaaliyeed ay codkooda dhiiban lahaayeen islamarkaana loo daadajiyo dowladdimada.

Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud iyo Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare oo ay qeyb Ka yihiin madaxda maamul goboleedyada ayaa go aano u daneenaayo shacabka Soomaaliyeed u soo sareen kaas oo ah in shacabka Soomaaliyeed codkooda loo celiyo ismarkaana ay soo doortaan siyaasiga ay dantooda Ka dhex arkaan.

SIdoo kale maamulka putland ayaa qabtay doorasho dadweyne oo ay shacabka reer putland ay soo dooranaayeen xildhibaanada golayaasha deegaanka waxayna u aheed guul weyn oo ay shacabkaas ay gaareen waxaana u hampalyeey madaxda dalka ugu sareeso, madaxdii hore, Ururada bulshada rayidka ah iyo wakiilada beesha caalamka.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed marwalba waxa ay u baahan yihiin in ay helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan maanta waa ay heestaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin in ay doortaan islamarkaana dadka ay doorteen ay Ka sugayaan waxqabad buuxda.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan