Bulshada ku nool Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay Baahiyo kala duwan oo Magaalada ka jirta.
Adeegga korontada oo aan gabi ahaanba ka jirin Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka mudug ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Bulshada Magaalada sida Caafimaadkii ,Ganacsiga iyo Adeegyadii Aas aasiga ahaa
Qaar ka tirsan Maamulka iyo Bulshada Magaalada Ceeldibir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Koronta la’aanta Magaalada ka jirto ay saameyn xoogan ku yeelatay Nolasha Bulshada ku dhaqan Ceeldibir.
Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka Mudig ayaa ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka waxaana ka jiro Baahi weyn oo dhanka Korontada ah.