Aay-Caddeey dagaalkii gurigeeday kula noqotay. Maalintaas dhawr bakeeri way iska jabisay dhawr jeerna Cumareey bay dambi la’aan dharbaaxyaysay caradii ay aabbihi iyo ciddooda oo dhan u qabtay bay yarka kula dhacday isagu ma garanayn amarka dhacay waxa uu yahay.
Wuxuuse dareemay in aan maanta xaalku fiicnayn markaasuu hadalkii iyo ciyaartiiba yaraystay, oohintii iyo cabashadiina badsaday intuu marba hooyadi tafta qabsado ama lugaha isaga maro, ayuu ku cabanaayey “Maamaa!” Sidii isagoo ka codsanaya in ay farxaddeedii soo ceshato, isagana ka farxiso kamase yeelayne, waxay ugu jawaabaysey, “Shib iga dheh aan ku dhahay, idinkaaba nii nacee! Uslee af-xaartaas afka ii geliyey.
Maahine dhibkaas maa beriga ii imaan lahaay! Shalay-maantaan markii aan dhahaayey af-xaartaas afkeeda ha i gelin, wixii ka cabsahaayey tan waaye mar lee a yimaado siin yeelaayo anaa kasaayee!” duqeedii oo maqan bay u naqsanaysaa iyadoo weli hiifaysuu u soo galay.
Wuxuu toos uga yimid gurigii Leyla oo uu Maana ka soo waayey xanaaqii uu la soo galay mid ka kulul bay ka hor geysay kiisii i qarsuuba noqday maana iyo Leylaba intuu iska illaaway buu Aay-Caddeey iyo amarka haya ka cawdibillaystay intuu dajiyey buu sida wax u jiraan ka waraystay.
Markay u xog-warrantay buu madaxa gacmaha saaray walaalki Aw-Mukhtaar buu ku orday si dabka holcaya loo bakhtiiyo wixii la badbaadin karana loo daba qabto Goorteed! Ma wax fayow oo la badbaadin karaa haray! Dhaladii jabtay, weesadiina qubatay.
Aw-Mukhtaarkii oo geesa leh baa ka hor yimid markii dumarku dagaallamayeen isagu ma joogin beledka dhexdiisaa warku ugu tagay markaasuu guriga soo aaday wuxuu la kulmay gabadhii uu meel- fadhiisinta ku ogaa oo guriga joogta iyo hooyadeed oo cartamaysa, sidii bad kacday.
Carruurtii iyo dadkii kaloo goob joogga ahaa ayaa uga warramay wixii dhacay hal mar baa dhiiggu karay, dhulkuna la wareegay ma uu garan dareenka ku soo dhacay naxdin, xanaaq, uur-xumo iyo amankaag waxa uu ahaa! Isaga iyo xaaskiisii bay ka tafatay.
Fidmadii ay bilowday buu ku canaantay.
Iyaduna wixii ay karkaraysay bay ku hurguftay go’aankii guurka carruurta ee uu walaalkii hore ula gaaray bay ku haaraantay in uu wiilkooda Iikar sharaf-jab u soo jiitay bay ku eedeysay iyadaa isla jid leh.
Qof walba qummanihiisaa qoorta ugu jira! Goor ay labadii is- qabtay kala yar aamuseen, Aw-Mukhtaar meeshii laga saraana dhiig lahayn, ee uu guriga dhexdiisa jees-jeesanayo, wuxuu sameeyana garan la’ yahay, ayaa Xaaji Muumin oo xiimayaa u soo galay.
Araggiisii buu uur-gubyo ka sii qaaday. Warkii naagtiisu uga balo sheegtay buu isagoon wax hubsan eed kulul ugu qaaday! “Adduunyo lee waaye, in maanta amarkaan na khabsado,” ayuu cod uurka ka reemaya hadal uga bilaabay, isagoo la moodo in uu keligi isla hadlayo.
Intuu in yar u nastay buu haddana sii watay, isagoo weli hoos u jeeda, hoosna u hadlaya, “In adigoo joogtid beriga naagtaada nagu soo duusho oo dagaal iyo rabsho nagu sameeso.
Hortiiba waa ogaa in aa tihid Daacatu-Nisaa!” Intuu codkii kululeeyey, korna u qaaday buu raaciyey, “Haddii kale gabartaada ma ku dhici laheen in ay diiddo igaarkii aa siisay, naagtaadana ma ku dhici leheen in ay maalin-caddeey dulmi iyo dagaal minankeyga ugu soo labbisato.
Meesha waxaa ii cad adiga naftirkaada in aa raalli ugu tihid.”xaaji Muumin uurkiisii gubanayey bay erayadaas kharaari sii holciyeen. Waxay ugu biireen arrimihii hore u dhibayey.
Ciilkii uu Maana-Faay u qabay caradii dagaalka dumarku ku kiciyey calool- xumadii fashalka soo socdaa ku hayey intaas oo dhan isagoo hore u qabay, ayuu walaalkiis erayadaas qallafsan ku qaabbilay, eed uusan lahaynna dhabarka u saray.
Muxuu sidaas ugula hadlayaa? Goormuu raalli ka noqday in Maana-Faay Iikar diiddo iyo in Aay-Caddeey dagaal soo qaaddo? sidee maanta loogu eedayn karaa in uu yahay Daacatu-Nisaa, nin naagihiisu ka adag yihiin? wixii uu dadaal sameynayey, abaalkiisii ma sidaan buu noqday?
Waa maxay waxa uu ku hadlayo Aw- Mukhtaar! Marka uu Caddeey duullaankeeda buunbuuninayo, xaggee buu ku hilmaamay naagtiisii iyadu caytanka bilowday, gabadheediina soo ceshatay?
Intaas oo dhan baa muddo aan saddex il-biriqsi ka badnayn Xaaji Muumin maskaxdiisa ku soo dhacday markaasuu ku sigtay in uu qarxo, ee eray qumbulad ah ku jawaabo, dibna isaga laabto.
Haddana xargo adag buu isku qabtay weli wuxuu ka rajo qabay in arrinta la daba qaban karo, ee mashruucii isu-guurinta ilmaha la badbaadin karo khaladaadkii dhacayna la sixi karo, wax kasta ha ku kacdee.
Sidiisana waxaa caado u ahayd in uu Aw- Mukhtaar xushmeeyo, kana dambeeyo. Maxaa yeelay, waa walaalkiis ka weyn, qoyskana oday u ah.
Sidaa awgeed, ayuu ciilkiisii iyo canaantii gardarrada ahaydba iska liqay wuxuu isku dhibay in uu dareenkiisa daboolo, jawaab deggenna celiyo, si uu walaalkiis u qaboojiyo, ka dibna daawo loo gaaro.
Xaaji Muumin erayo macaan buu hadalkiisii ku bilaabay canaan uu og yahay inuusan lahayn buu iska qaatay wuxuu ballanqaaday khaladaadkii dhacay inuu isagu degdeg u sixi doono.
Walaalkiisna wuxuu ka codsaday in uu dhankiisa arrinta ka daaweeyo, fidmadii dumarku huriyeenna qaboojiyo, si mashruuci la isku ogaa halkiisii uga socdo taas Alla ma aqbalin.