Howlgal ay ciidamada xoogga dalka guutada 9-aad ee gobolka Bakool ka sameeyeen tuulada Makiiney oo 40 KM dhinac Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada xuddur ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta
Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta looga furtay hubkii ay wateen sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Xooga dalka qeybta 60-aad guutada 9-aad ee gobolka Bakool.
Deegaano hoostaga degmada Xuddur waxaa ka socda howlgal khawaarijta looga sifeyna tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan waana qeyb ka mid ah howlgalka wejiga labaad ee xoreynta dalka ee ka socda Soonfur Galbeed Soomaaliya.
————————————————————————————————————-DAGAAL XOOGGAN OO U DHAXEEYA CIIDANKA XD IYO KHAWAARIJTA OO KA SOCDA GOBOLKA BAKOOL
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal bur burin ah ku qaaday deegaanka Laagboone oo ka tirsan oo katirsan Kulan-jareer ee gobolka Bakool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, iyada oo halkaas khasaare weyn ku gaarsiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay jabweyn gaarsiiyeen kooxda Khawaarijta, iyada oo halkaas looga dilay xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku dayey in ay dagaal la galaan ciidanka xoogga dalka.
Taliye ku xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ee Gobolka Bakool Gaashanle Yoonis Adan Xasan ayaa u xaqiijiyey warbaahinta qaranka in howlgalkaas bur burinta ah ay ku soo qabteen hubka nocyadiisa kala duwan .
Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh kaga dhawaaqay magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.