Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaaca ka qaadday dilka 130 xubin oo ka tirsan Khawaarijta

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Howlgalladaan oo ay dhaceen Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.

Wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay geesiyaasha Qaranka uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garabtaagan taageerada balaaran.