Islaamku wuxuu aragti iyo fikradba ku lahaa walina ku leeyahay maareynta iyo xillinta su’aalaha ku saabsan dhaqaalaha guud ahaan dunidan aan qeybta ka nahay, mana ahan aragti iyo afkaar dhawaan uun soo bilaabatay balse waa aragti waa hore islaamku la tacaalaayey xallinteeda iyo nidaaminteeda intaba, waxaadse moodaa in dunida inteeda kale ama qolooyinka aan muslimka ahayn uu ula muuqdo afkaaro cusub oo ka fiican aragtidii dhaqaale ee kala danbaysay ee ay soo saareen khubaradadoodii dhaqaalyahnada ahaa.
Marxalado kala gedisan oo dhaqan dhaqaale ayey dunidu soo martay oo marba waxa la baarayey lana tijaabinayay aragti cusub oo dhaqaalaha dunidu isticmaalo ku tacluqa, midkastana waa laga gudbayay marka ay sidii la rabay noqon waydo, ilaa waqti xaadirkan lasoo gaaray nidaamka dhaqaale ee fashilka ku dhow ee lagu magacaabo ” hanti-goosadka”.
Caqabadooyinka dhaqaale ee hadda dunida ka taagan waxay umuuqdaan in aanay xalkeeda haynin dugsiyadii kala duwanaa ee aragtiyaha dhaqaale ay ka yimaadeen, balse dhaqaalaha islaamka ayaad ka dhex arki kartaa balan-qaadyo rasmi ah oo la xiriira xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
Sidookale, Waxa jira jaamacado badan oo bixiya heerarka waxbarasho ee kala duwan ee degree ilaa PHD, sidoo kale waddamada reer galbeedka ardadooda qaar ayaa buugga qalin-jabintooda ku qora mawduucyo ku saabsan dhaqaalaha dunida muslimka ah, isla wakhtigan la joogo ayuu dhaqaalaha islaamku marayaa marxalad xasaasi ah oo haddii aqoonyahanka islaamku ay ka hawlgalaan uu noqon karaa fikrada dhaqaale ee dhammaan dunida hogaan u noqon karta.
Ninka lagu magacaabo ”Ray Dalio” ee Bilyaneerka ah islamarkaasna leh shirkad bixisa maal-galinta lacagaha xaddigoodu badan yahay ayaa waxa uu sheegay inuu nidaamkii dhaqaale ee hanti-goosadku uu wakhtigan la joogo umuuqdo mid guuldareystay isla markaana uu kacdoon kale oo dhaqaale la filayo inuu badelo.
Waxaa muuqata in kala saraynta dhaqaale ee dunidu ay wakhtigan aad usarayso, walibana uu yahay mid sannadba sanadka ka danbeeya sii kordhaya, islamarkaasna dhaqaalaha ku salaysan ribaddu aanu marnaba ahayn xalka saxda ah ee dunida ujihayn kara baraare guud iyo koboc dhaqaale intaba.
Islaamku wuxuu zako ahaan uqaada dhaqaale gaaraya 2.5% xoolaha uu qofku leeyahay sannadkii, taasoo dunidu u aragtay inuu yahay xalka yarayn kara kala saraynta dhaqaale ee bulshada.
Dhaqaalaha islaamka ayaa ah ruuxda kaliya ee wakhti xaadirkan soo noolayn karta dhaqaalaha dunida ee sii dhimanaya, waana ereyo aad ku arki kartid inay adeegsanayaan qoraayada ka hadla arimaha dhaqaaluhu, waxaana ay sidoo kale leeyihiin kaliya ma’aha xeerar islaamku isticmaalo ee waa xeerar ilaa wakhtiyadii nabi Ibraahiim(CSW) la isticmaali jiray taas oo ay dhaafinayaan xilliyadii uu noolaa Nebbi Muxamed (NNKH).
Balse islaam ahaan waxa aynu aaminsanahay in nidaamka dhaqaale ee islaamku uu la bilaabmay abuurkii dunida.
WD: Ibrahim Warsame Xuseen