Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ku dheggan dhaqanka hadalka (oral tradition) taas oo keentay in loo arko dad aan inta badan jecleyn wax akhriska iyo qoraalka,
Tani waxay keentay in ay u bataan dad aad u jecel waxa loo yaqaano fadhi ku dirirka osla markaana ay isku dayaan in ay wax wax walba oraah ku cabiraan,.
Dhaqankaas waxaa uu keenay in waxa ay faaqidayaan ay u bataan hal dhinac oo ah siyaasadda oo qof aqoon u leh iyo mid kaleba faraha lala wada galo .
Marka aad fiiriso dhaqankaas waxaaad is leedahay Soomaalida ma wada siyaasi baa, sow wax kale kama shaqeeyaan.
Haba ahaatee waxay ka eegaan hal dhinac oo ah siyaasad dhinac ka raran oo inta badan lagu difaaco siyaasad reereed oo aan aheyn midi fikir ama aydaloojiyad siyaasadeed ku dhisneyn.
Dunida loolanka siyaasadeed ee jira waa mid ku yimaada fikir kala duwanaan la isla oggol yahay laakiin tan soomaalida waa mid dhan wax u muquunineysa oo beesha siyaasigeeda aad ka hor timaado uu kuu arkayo cadowga beeshaas .
Markii ugu horreysay ee ay dhacday dowladdii militariga waxyaabihii ugu horreeyey ee aan Muqdisho iyo meelo kale ku arkay waxaa ku jiray odayaal subax walba ku soo kallaha oo faaqida siyaasadda waxayse arrimahan sii huriyeen xaaladihii taagnaa ilaa jufo jufo la isu qabsado.
Fikirka ama afkaarta la iska sameeyo iyo kuti kuteentii faraha ka baxday waxay isku sii dirtay qabaa’ilkii soomaalida waxayna gaartay in Muqdisho qad cagaaran uu ka sameysmo.
Macnaha arrintan waxa sii huriyey qulquulkii fikraihii aan loo meel dayin ee siyaasadda aan aqoonta durugsan loo laheyn lagu cabbirayey ilaa ololku is qabsado dalka intiisa badan.
Waxaa la si dhihi karaa maxay sii dheleen afkaarahan … way badan wixii ka dhasahy waxaana ku jira in halkii Soomaalidu mabaadii iyo afkaar ku dhisi laheyd awood qaybsigooda una sii durki laheyd xisbiyo kala duwan oo dhasha in dalku dib ugu noqdo hannaankii taqliidiga ee hore dunidu uga soo tagtay ee beelaha.
Xaq maaha ee waa xal ayaa soo baxaday oo uu ka yimid hanaanka 4.5 ee beelha kaaas oo ah dhigaatada ay adkaatay in looga gudbo buundo kale.
Qaran uun baa wax lagu noqon karaa ee qabiilka ma noqon doono mana aha xalka Soomaalida inta uu habkaasi taagan yahayna way taagnaan doontaa dhibaatdass waayo ma jiro dal dunida ah oo qaabkaaas ku shaqeeya .
WQ:Maxamed Shiil Xsan