’CAYAYAANKA LOO YAQAAN KUTAANKA AMA DHILQAHA OO DUNIDA LAGA AQOONSADAY

Kutaantu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia). Bahda bilaa lafadhabarleyda ah (Arthropoda), gaar ahaan bahweynta cayayaanka (Insect).

Sidoo kale waxay ku jirtaa bahda dullinka quuta dhiigga dadka iyo duunyadaba (Cimicidae), kuwaas oo leh lix lugood iyo laba gees oo ateeno ah, mana laha baalal ay ku duusho.

Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Cimex lectularius). Kutaanta guud ahaan waxaa looqaybiyaa laba nooc, mid guud ahaan meel kasta laga helo iyo mid laga helo deegaanada heer kulkoodu sareeyo oo keli ah, sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo ku dhasha shimbiraha qaarkood.

Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqannaa (Budbugs) Carabidana (بق الفراش), Afka Soomaaligana waxaa looyiqaannaa Kutaan iyo Dhiqle, sida ku qoran qaamuuska Afka Soomaaliga, deegaanada soomaalida qaarkood waxaa looyiqaannaa Dukhaan.

Cimriga kutaantu waxa uu gaadhaa 4 ilaa 6 bilood, dhererkeeduna waxa uu udhaxeeyaa 5 ilaa 7 milimitir.

Kutaantu waxa ay leedahay 26 hiddo-side, sidoo kale waxay kamid tahay cayayaannada leh dhiigga diirran.

Hab meerto nololeedka kutaantu waa sida ka bahweynta cayayaanka oo kale waxaana uu maraa saddex marxaladood oo kala ah: Beed, caydi yar iyo kutaan qaangaadh ah.

Markii keli ah waxa ay dhashaa ta dheddig 200 ilaa 250 beed kuwaas oo ku dillaaca 6 ilaa 10 cisho.

jidhka kutaanta waxaa looqaybiyaa saddex qaybood oo kala ah: madax, qayb dhexe iyo qaar danbe.

Kutaanku waxa ay quudataa dhiigga dadka ama kuwa noolayaasha kale, gaar ahaan habeenkii oo maalintii badanaa masoo baxdo, kutaantu waa cayayaan dheereeya kaas oo saacadii jari kara 0.045 mayl.

Kutaantu badanaa waxa ay hoy ka dhigataa meelaha qarsoon ama waxa ay kala dhexgashaa meelaha aadka u cidhiidhiga ah, sida looxaanta dhexedooda, sariiraha hoostooda iyo saqafyada guryaha, tukaantu ciida badanaa kuma noolaato oo waxa ay ka jeceshahay meelaha wasakhda ah ee diirran.

Dhibaatooyinka ay kutaantu dadka ku sababto waxaa kamid ah: in ay maqaar cuncun ku keento, ama xasaasiyada maqaarka iyo in ay xanuunada qaar dadka ukala gudbin karto.

Ugu danbayntii waxaa lagu xakamayn karaa tukaanta in la buufiyo guryaha ay gasho iyadoo lagu buufinaayo cayayaan dile, gaar ahaan meelaha hoyga u ah iyo in sare loo qaado nadaafada meelaha huurka ah ee guriga kamidka ah.

WD: C/salaam M. Yaasiin