Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shaaca ka qaaday xilliga ay ATMIS ka baxayso Gegada Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidamada Qaranka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga iyo bixitaanka ATMIS.

“Ciidamada Qaranka ayaa la wareegi doona dhamaan mas’uuliyadda amni ee dalka oo ay ku jirto dekada Muqdisho iyo gegada Diyaaradaha ee Aadan Cadde” ayuu ku daray Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in bixitaanka ciidamada ATMIS ay ku socoto istiraatijiyad ciidan oo si weyn looga baaraan degay, isagoo carabka ku adkeeyay in dekadda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cade ay yihiin goobaha ugu dambeeyay ay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay darseyso in howlgalka uu qaab kale yeesho ka dib December 2024-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hubka ka dhigto cid kasta oo si sharci darro ah u adeegsata.