Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo wareejisay gaari loogu talagalay garoonka diyaaradaha Baladweyne

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shalay ku wareejiyay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye gaari loogu talagalay inuu u adeeggo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Wareejinta gaarigan ayaa qayb ka ah qorshaha fulinta barnaamijka amniga iyo bedqabka garoommada dalka, iyadoo ay adeegsan doonaan kooxda bedqabka iyo la socodka amniga dhabaha diyaaradaha ee garoonka Ugaas Khaliif, sida uu sheegay maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye oo ka mahadceliyay wareejinta gaarigan ayaa sheegay inuu muhiimad u leeyahay howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sidan oo kale ugu wareejisay toddobaadkii hore Dawlad-gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed min hal gaari oo u adeegi doono garoommada diyaaradaha.