In ka badan 60 Khawaarij oo lagu dilay hawlgal ay sameeyeen CXD

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa khawaarij tiradooda gaareysa  60 ku dilay howlgal ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 80KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan welina socda ayaa sidoo kale waxa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan.

Faah-faahino dheeraad ah goor dhow la soco.