Xilligii deerta ayaa si xooggan uga hooraya sida badan gobollada dalka
Roobku waa raxmad eebbe laakiin wuxuu ubaahan yahay in laga sii gaashaanto waxyeellada uu geysan karo.
sidoo kale, roobku marka uu da’o xooluhu waxay ka maarmaan biyo webi iyo biyo ceel intaba waxayna sida badan noqotaa barwaaqo sannadka oo dhan ah waxaana laga fishaa sannadkaas in uu noqdo mid dadku iyo xooluhuba barwaaqadu meel walba ka taal xoolahana si gaar ah caano badan looga maasho.
haddaba haddii roobabkaan ka da’aan gobollada dalka gaar ahaan gobolka banaadir iyo agagaarkiisa iyo dhammaan waxaa ku noolaanaya beerahii kicinkii hore jiray oo u baahnaa roob dambeed kuwaas oo dalagoodu si aad u baxayo markay helaan roob ku filan dhanka kale, dhulkaa si aad ah u nooleeya xooluhuna ay u naaxaan dadkuna uu farxad iyo reyn reyn ay ku soo dhoweeyaan.
galab galbaha ka mid ah ayaa cirka guulatooyin dacalka isi saareen waxaana raxmad aad loogu farxay u da’ay dadka ku nool agagaarka gobolka banaadir iyo dacalladiisa in kastoo ay jiraan dad masaakiin ah oo aan hooy fiican heysan haddana waa noloshii noolaha haddii la waayo raxmadda ilaahey nolol ma jirto waayo waxaa ku noolaado noolaha ku nool badda iyo berriga.
Haddaba, naf kasta oo ka mid ah waxay ilaahey u celineysaa mahad aan
la soo koobi Karin, waxaa baxaya beeraha waxaa miro iyo ubax yeelanaya geedaha waxaa cuseyb noqonaya dhulka iyo geedaha waxaa muraalkodu hagaagayaa dadka waxaa kale oo beec yeelanaya xoolaha iyo dhulka iyo guryaha waxaa nuuraya dalka oo dhan waxaa rejo yeelanaya qof kasta oo ay heysay reja xumo waayo roobla,aantu waxay leedahay murug iyo raja xumo.
Roobabka lagu diirsaday ee ka da’aya gobollada dalka gaar ahaan gobolka banaadir, shabeellada dhexe iyo shabeellada hoose iyo guud ahaan geyga soomaalidu degto waa lagu diirsaday in kastoo gufaacada dhibicda xannuunkeedu ay u daran tahay qoysaska danta yar aan heysan hooy iyo gabbaad iyo meel ay ka galaan qaboowga roobabka.
haddaba, waa labo is garab taal farxadda iyo murugada waana amar ilaahey cidna wax kama qaban karto, balse waxaa leys farayaa in laga diyaar garoobo.
Dhanka kale, roobabka marka ay da’aan mar walba waxaa dhaca fatahaado, waxaana ku barakaca dadkii tabarta yaraa oo ay biyuhu ugu soo galaan guryahooda, taasina waa eed sannad waliba laga galayo dadka ku dhaqan agagaarka webiyada, tani maahan mas’uuliyad saaran dadka ee mas’uuliyadda dowladda in ay ka sii baaraan degaan waxa dhici kara, mafiicna in sannad walba lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah, ee waxaa wanaagsan in la sameeyo isku tashi buuxa iyadoo la digayo ayaa haddana la diyaar garoobin.
Roobku waa raaxo iyo rasi bay soomaalidu tiraahdaa, balse roobku iyadoo uu leeyahay faa’iidada ballaaran ayaa haddana u dhalin karaa qasaaro lixaad leh waxaa shacabka soomaaliyeed iyo xukuummaddaba ku leeyahay
Nimcada Eebbe ku shugriya dhibaatadana ku Samra, dadaalkuna waa halkiisa howsha halkaa ka sii wada
WQ: Abwaan Gabayre