Qaar kamid ah Maamulka Hirshabeelle ayaa ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayey garsoorayaal cusub oo loogu talagalay in ay ka howlgalaan Maxkamado laga hirgeliyay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.
Xafladdaan oo ka dhacday deegaanka Burka Darimeed waxaa ka qeybgalay Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle C/raxiin Ciise Caddoow, Taliyaha Taliska Ciidanka Daraawiishta C/Laahi Mire Siyaad iyo xubno kale oo la socday maamulkaasi.
Garsoorayaashaasi oo dhowaan lagu soo xulay tartan loo qabtay dad badan oo aqonyahanno ah,waxaa la faray in ay si daacadnimo ah ugu adeegaan bulshada,isla markaana ay gutaan Waajibka shaqo ee ay u hayaan umadda.
Sidoo kale Garsoorayaasha cusub waxaa lagula dardaarmay in ay ilaaliyaan shareecada islaamka, dadkana loogu shaqeeyo si caddaalad ah

