Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo la kulmay xubno ka socda Qarammada Midoobay

Guddiga farsamada Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa xubnahan ka socda Qaramada Midoobay kala hadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya sidii uu si habsami leh ugu fulin lahaa howlaha doorashooyinka ee uu u xilsaaran yahay.