Ciidanka Xoogga dalka oo soo badbaadiyey dad rayid ah oo roobku ku go’doomiyey xaafadaha Baydhabo

Baydhabo: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyey bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen roobabkii ka da’ay magaalada Baydhabo.

Taliyaha qaybta 60-aad ee cidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayey saraakiisha hawshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyey Qoysas ay saamayn ku yeesheen roobabkii dhawaan da da’ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Jeneral Xasan ayaa bulshada reer Baydhabo ka codsadey in ay isku gurmadaan marka la joogo marxaladaan oo kale, ayna Rabi tuuk ay sameeyaan, si Eebe uga yasiro dhibta ay wataan roobabka ma hiigaanka ah ee ka da’aya gayiga Soomaaliyeed .