Hadda ka hor waxaa jirtay Inana aad u qurux badneyd oo ehelo diin ah waxay dooneysay inay calfato wiil si fiican diinta waxa uga yaqaan.
Waxay dhihi jirtay waxan doonayaa ruux diinta wax ka fahnsan oo maalin kasto qur’aanka aqrinaayo sanaadka oo dhanna soomaaya oo habeenkii iyo maalintiiba Allaah xasuusta.
Markii dambe, waxaa so baxay wiil doonaayo inuu sharuudahaa gabadhu sheektay uu buuxiyo.
Markii uu u yimid ka dib wuxuu ku dhahay waxaan doonayaa in aan buuxiyo shuruudahaaga, markaas ayay ku dhahday ma laga yaaba in aad shuuruudaha buuxiso? haa ayuu ku jawaabay.
Waxay weydiisay Su’aalo badan wuxuuna uga jawaabay siday rabtay, waxaana halkaas ka dhashay is aaminaad xoog badan gebagebadiina waxay wadaageen nolosha, ka dibna waxaa halkaas ka dhacay aroos ay ka soo wada qeyb galeen ehellada labad dhinac ee lamaanaha nolosha wadaagay kuwaasoo si fiican oo diin iyo aqlaaq ku saleysan isu doortay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa si quruux badan oo la soo agaasimay ku dhacay guurkoodii waxaana u biloowday nolol iyo farxad u ekayd inay dhinac walba ka dhameystiran tahay, balse shurud uu dhaqan ka dambeeyo halkey gaadhi kartaa ma sahlana mana fududa(waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa carab iyo ilko ayaa iskugu dhow iyagana way isqilaafaan, sharuudihii wiilka hadda ka hor la dul dhigay waxaa ku jiray qaar ballan qaad ah oo aan laga bixi Karin
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxba yaanan war badan idinku daalinee muddo ka dib lamaanihii waxaa soo dhex galay khilaaf iyo Isfahan waa dhinaca nolosha ah waayo guurku wuu dhinacyo badan yahay aslan doorashadana kuma saleysneyn jaceyl ee sifooyinka laysku doortay waxay ahayd aqoon oo keliya lagama wada hadlin dhinacyada kale ee ku xeeran nolosha iyo isfahanka guurka ku saleysan
Gabadhii waxay billowday inay wiilkii weydiisay su’aalo ku saabsaneyd sharuudihii uu galay wiilku waxayna u aragtay in uu been u sheegay shalay, waxay dacwo u aadday shiikhii isku mahriyay oo marqaatiga u ahaa labadooda.
Shiikhii wuxuu u yeeray wiilkii wax qabay waxaana la weydiiyay wuxuu sharuudahii lala dhigtay uu u buuxin waayay, wiilkii ayaa yiri waa maxay dhibaatada jirta sheikh ee aan galay, waxaa loo sheegay inay ka soo dacwootay xaaskiisa ayna iminka dooneyso inay iska furto.
Waxaana loo cuskaday inuu buuxin waayay sharuudihii uu galay waxaana la yiri inantii aad nolosha ku midowdeen waxay kugu dacwineysaa inaad ka baxday ballantii aad qaaday oo ay ka mid ahayd in aad habeen walba akhriso qur’aanka aadna seexan, maalin kastana aad soonto si isdaba joog ah.
Wiilkii wax guursaday ayaa ku jawaabay sheekhow aniga waan soomaa bilkasta oo ramadaan ah waxaana raaciyaa lixda maalmood ee waddaca ah sheekhow soow Rasuulkeena suubanaa scw, sow ma dhihin qofkii sooma bisha ramadan kuna darsada llixda maalin ee kale waxay la mid tahay isagoo soomay sandka oo dhan
Sheekhii ayaa yiri sadaqtu haa intaas uun baan sameeyay ayuu yiri wiilkii.
Sheekhii ayaa haddana weydiiyaY ma akhrisaa qur’aanka habeenkii oo dhan?
Wuxuu ku jawaay wiilkii haa waan akhriyaa oo waxaan akhriyaa suuratul ikhlaas habeen kasta saddex jeer sow Rasuulkeena suuban Scw ma dhihiin qofkii maalin kasta sedsax jeer aqriya suuratul al-ikhaals waxay la mid tahay isaga oo aqriyay Qur’aanka oo dhan, imaamkii xaakimka ahaa ayaa mar kale yiri Nacam Run baa sheegtay xaakimku wuu la dhacay xikamadda ku jirta wiilka.
Imaamkii xaakimka ahaa ayaa haddana wiilkii weydiiyay haddaba sidee baad habeenkii oo dhan u xustaa rabbigaaga oo u soo jeeda iyadoo xaaskaagu kugu eedeeysay inaad habeenkii oo dhan huruddo
wiilkii qalbiga wanaagsanaa ayaa ku jawaabay xaakimow waxaan jamac ku dukada salaadda ceshaha ka dibna maalinta waxaan jamac ku dugada salaatul fajirka, sidaad ogtahayna qofkii salaatuul fajarka jamac ku dukadaa waxuu la mid yahay isaga oo salaadda ceshaha iyo salaadul fajarka jamac ku dukada waxuu la mid yahay isaga oo habeenkii oo dhan soo jeeday oo Allaaha caabudayay.
Intaas ka dib Xaakimkii ayaa ku qancay ka dib markii wiilku difaaca adag uu galay dacwaddii loo heystay ay halkaas ku soo afjarantay.
Xaakimkii caadilka ahaa ayaa waxa u uku dhahay gabadhii ahlu diinka aheed waxaad dooratay wiil diinta waxa badan ka fahnsan imaamkii ayaa mar kale iskuku duceeyay labadii lamaane ee quruxda badnaa ee diinta darted isku doortay.
halkas ayayan farxadoodii ka sii laba jibaarantay waxayna galeen nolo tii ugu wac need madaama ee sharuudo badan isku xireen hadan imamakii ayaan ku dhahay nolsoha farxad ku waar hal kas ayayana farxad uga bilabadatay wiilkii iyo inanatii
WD: Hidaayo Cabdulle